Akhriso: Liiska Golaha Degaanka Degmada Baargaal oo lagu dhawaaqay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowladda Puntland ayaa soo saartay liiska magacyada 18 xubnood oo kamid ah Xildhibanaaadda Golaha Deegaanka ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu.

Degmada Taariikhiga ah ee Baargaal oo kamid ah Degmooyinka Darajada (B) ee degaanada Dowladda Puntland, waxaana ay Golaheedu degaanku ka kooban yihiin 21 xubnood, Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Dowladda Puntland ayaana sheegtay in dib loo dhigay ansaxinta 3 xubnood oo kamid ah Golaha Degaanka cusub.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa ku sugan Degmada Baargaal, isagoona u jooga dhismaha Golaha cusub, waxaana la qorsheynayaa in saacadaha soo socda ay qabsoonto Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmadaas.