Cumar Filish “500 ruux ayaa ku geeryooday Muqdisho maalmo gudahood” (VIDEO)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish, ayaa sheegay in ay baaritaano iyo ku sameynaayay dadka la geeyo Qabuuraha tan iyo 19 bishii lasoo dhaafay.

Cumar Filish ayaa sheegay in dadka ku dhow 500 ruux ay ku geeriyoodeen Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay aaminsan yihiin in ay u dhinteen Cudurka Corona Virus.

Tiraddii ugu badneyd ee ay diwaangaliyaan hal maalin ayuu ku sheegay 43 ruux , halka Midkii ugu yareydna ay aheyd 22 ruux.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa horay u sheegay in xilligaan qof kasta ee dhinta ay Dowladda Soomaaliya u aqoonsan tahay in uu u dhintay Cudurka Coronavirus.