VIDEO: Baarlamaanka Jubbaland oo muddo kordhin u sameeyay waqtiga Madaxweynuhu kusoo dhisayo Golaha Wasiirada

Golaha Wakiilada Dowlad Goboledyada Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta baarlamaanka ee magaalada Kismaayo ayaa aqbalay codsi uga yimid madaxweynaha dawlad goboledka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam kaas oo ahaa in muddo kordhin loo sameeyo xilliga uu ku soo dhisayo golaha xukuumada cusub.

Fadhiga golaha wakiilada ee maanta ayaa waxaa soo xaadiray 51 mudane, waxaana shir gudoominayay gudoomiyaha barlamaanka Jubbaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Furitaanka kulanka ayaa guddoomiyaha gudiga hab dhawrka ee golaha mudane Shugri Weyrax Kaariye ayaa barlamaanka ka hor akhriyay codsiga ka yimid madaxwaynaha.

Intaa kabid goleyaasha ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyey codsiga madaxweynaha waxaana ogolaatay 48 Xildhibaan, 2 mudane ayaa diiday, hal mudanena wuu ka aamusay.

Gaba gabadii qaar kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada Jubbaland oo hadlay ayaa soo dhaweeyey muddo kordhinta loo sameeyey xilliga uu madaxweynaha Jubbaland ku soo dhisayo golaha xukuumadda.

Dadaalka uu madaxweynaha Jubbaland ku bixinayo isku keenidda iyo qancinta guud ahaan dadka Jubbaland oo u baahan in wakhti dheer lagu bixiyo ayey ahayd sababta ka dambeysay codsiga ka yimid xafiiska madaxweynaha ee kordhinta muddada uu ku soo dhisaayo golaha xukuumadda.