VIDEO: Warbixinta khasaaraha ka dhashay Daadadkii ku dhuftay Qardho

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Puntland Cabdiqafaar Xaange, oo shir jaraa’id u qabtay magaalada Qardho ayaa soo bandhigay warbixinta khasaarihii ka dhashay daadadkii ku dhuftay magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

Wasiir Xaange ayaa sheegay in 8 Ruux ay ku dhinteen daadad, halka Tiradda dadka ay saameeyeen daadadku ay gaarayso 8 kun oo qoys ama 48 kun oo qof, iyadoona 3,540 oo qoys ay ku barakaceen.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in 2 ay ku burbureen Daadad, halka 2 kalena ay dhaawac soo gaareen, isagoona intaas ku daray in Ganacsiyo gaaraya 1,020 oo isugu jira yar yar iyo kuwa dhexe ay ku waxyeeloobeen daadadka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Puntland Cabdiqafaar Xaange ayaa sheegay in Daadax ay wacyeelo u geysteen 4 Iskuul, 5 Waddo iyo mid kamid ah buundooyinka muhiimka ah ee magaalada Qardho.