Sawirro: Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Tuulooyin hoos-taga Magaalada Jowhar

Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaado horleh  ka sameeyey tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kuwaas oo qaarkood dadkii deganaa ay isaga barakacaan.

Tuulooyinka uu Wabiga ka fatahay oo dhamaantood hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle kuna yaalla Jiinka Wabiga ayaa waxaa ay kala yihiin, Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same,  Raqayloow Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, Buur Fuule iyo Jowhar Soomaali.

Deegaannadaan uu fatahaada ka sameeyay Wabiga Shabeelle ee hoostaga Magaalada Jowhar ayaa waxaa badi isaga barakacay dadkii danyarta ahaa ee deganaa,iyaga oo ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto.

Mas’uuliyiinta ugu sareeysa Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhawaan waxaa ay booqdeen tuulooyinka qaar ee uu Wabiga ka fatahay ,iyaga oo ku baaqay in dadka iyo Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle looga baahan yahay inay ka hortagaan fatahaada Wabiga.

Tuulooyin kale oo hoostaga Magaalada Jowhar ayaa laga cabsi qabaa in uu Wabiga ka fataho,waxaana xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay wafdi ainjineero ah u dirtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta  Gobolka Hiiraan oo ay ka taagan tahay cabsi la xiriirta fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.