Puntland: Qofkii labaad oo u geeryooday Cudurka Coronavirus (VIDEO)

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida cudurka Coronavirus ayaa soo saaray maanta warbixintii maalinlaha aheyd ee xaalada degaanada Puntland ee COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in 8 ruux laga helay cudurka COVID-19, kaddib baaris maanta lagu sameeyay 22 qof oo looga shakiyay cudurka, kuwaas oo ku kala sugan Gobalada Mudug, Nugaal iyo Karkaar.

Sidoo kale, Wasiir ayaa sheegay in qofkii labaad uu u geeryooday cudurka gudaha Puntland.