Sirdoonka Puntland oo ku fashilmay hirgelinta xaruntiisa Gobalka Mudug

Agaasimaha hay’ada sirdoonka Puntland (PISA) waa in uu joojiyaa marmarsiiyaha uu uraadinayo furida xarunta sirdoonka ee Gobolka.

Jeyte haduusan Saldhiga ugu weyn ee PISA ka dhigayn Mudug oo ah albaabka argagixisadu kasoo gasho Puntland waa in uu qaybteeda si xoog leh u hawlgaliyaa.

Agaasimaha sirdoonka Puntland xiligan waxuu ku sugan yahay Gaalkacyo oo qorshaha ugu weyn ee uu u yimid ay ahayd in uu furo Xarunta hay’ada ee Gobolka.

Sida aan xogta ku helay waa ka noqday qorshihiisii furida Xaafiiska hay’ada Gobolka,isagoo ka duulaya dhaqaalaha ku baxaya.

Jeyte waxuu ku doodayaa in dhaqaale yari ay hayso hay’ada oo bajadkeedii ugu jiray miisaaniyada uu hor istaagay Xasan Shire Abgaal.

Puntland oo Miisaaniyadeedu tahay 336-$ Milyan in ay bixin waydo 20.000$ oo amaanka Gobolka ugu muhiimsan lagu xalinayo mahan wax la aqbali karo!!.

Ceeb iyo yax-yax ka weyn majiro in aysanba hay’ada sirdoonka Puntland ee PISA Xaafiisyaba ku lahayn Mudug.

Jeyte ha iscasilo ama xaqii Gobolka banaanka hasoo dhigo.

Jibril Qoobey.