Diyaarad Lacag usiday Karaash oo Buuhoodle ka degtay

Diyaaradan waa mida badbaadisay Karaash oo is difaaciisa sii xoojisay sida aan xogta ku helay.

Lacag ka timid Xamar ayay waday oo lagu xoojinayay Karaash M-xigeenka Puntland.

Lacagta waxaa fududaysay Shirkada shidaalka ee HAAS,waxaana soo qaaday Ninka lagu magacaabo Khurashoof oo ka mid ah Shirkadaas.

Khashoof waa Madaxa Shirkada Haas ee Muqdisho beel ahaana waa Dhulbahante Reer Cali Geri,waxaa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay raga sida weyn uga soo horjeeda nidaamka Puntland.

Muuqaalka guud ee diyaarada loona sheegay Villa Garowe waxay ahayd in ay sido gargaar lana socdo wafti heer Fadaraal ah oo deegaanka kasoo jeeda booqanayana dadkiisa.

Markii Aaran-jaan Dahabshiil lacag usoo marto ka timid Madaxtooyada Somaliland si Karaash oo ay u aragto Nin Dhulbahante ah oo qadiyadiisu fog tahay markay timaado arimaha Sool meesha looga saaro.

Mahan wax lala yaabo in Karaash garab ka helo Villa Somaliya.

Hab dhaqanka guracan,qadiyad gaabnaanta,hunguri xumada iyo fahan khaldanaanta siyaasadeed ee Aaran laguna daray fursada ay heleen ee ah Madaxweyne ay rog-rogan karaan waxay Puntland dhigi doontaa meel xun hadaan la xakamayn.