XOG: Maxkamadaha Puntland oo u fariisanaya Dacwad ka dhan ah Madaxweyne ku-xigeenka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo xulufadiisa Siyaasadda ayaa la sheegay in Maxkamadaha Puntland ay u gudbiyeen gal-dacwadeed ka dhan ah Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Dacwadan oo la filayo in maalmaha soo socda ay Maxkamaddu u fariisato ayaa la xariidha eedeymo loo jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, kuwaas oo ay kamid yihiin Khiyaano Qaran, Aflagaado iyo Jabinta Dastuurka Dowladda Puntland, kuwaas oo sababi kara hadii lagu helo Madaxweyne Karaash inay Xasaanada kala laabtaan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu la wadaagay Xeer ilaalinta iyo Dacwad oogayaasha Dowladda in Codad sir ah oo laga qabtay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, kuwaas oo ah xiriiro dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayna uga wada-hadlayaan sidii looga abuuri lahaa khalkhal Siyaasadeed Puntland, loona kala qeybin lahaa beelaha walaalaha ah ee wada daga Puntland.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.