Axmed Karaash oo utanaasulay shacabka Puntland

Si buuxda Axmed Karaash,ayaa utanaasulay aqbalayna dhamaan arimihii uu dooda ka qabay in uu ka tanaasulo.

Axmed Karaash waxuu aqbalay Talyayaashii uu magacaabay Madaxweyne Deni.

Sidoo kale waxuu aqbalay Wasiiradii iyo Agaasimayaashii uu magacaabay Madaxweyne Deni.

Karaash waxuu ku badashay dhamaan qodobadaas uu horay ugu dhaganaa wada shaqayn,is ixtiraaam iyo la tashi dhamaystiran oo Madaxweynuhu la yimaado.

Guusha heshiiskan ee Karaash waxay tahay in uu iska hor leexiyay kooxda uhaysata in ay Madaxweynaha leeyihiin.

Si gaar ah waxaa goobta wada xaajoodka loogu balan qaaday in Wasiirka Maaliyada uu ilaalin doono maqaamka Dastuuriga ah ee M-xigeenka.

Is afgaradkan waxaa ku khasaaray oo ka qaracmay kooxda Aaran oo qorshaynaysay in M-xigeenka ay udilaan sidii Mingiste Xayle Maryam udilay Boqor Hayle Salaase.

Guud ahaan Bulshada Puntland waa soo dhaweeyeen is afgaradka iyo tanaasulka M-xigeenka.

Waa talaabo muujinaysa in Karaash uusan ahayn Puntland dumis.

Jibril Qoobey.