Ma is qaadan karaan dayaca Shacabka iyo Dal-dalashada Canshuurta ee Puntland?

Canshuur qaadista ilaa heerka ugu sareeya madaxda Puntland,ayaa u istaaga gorgortana mageli karto.

Balse kor uqaadista tayada Ciidanka Booliska iyo ka shaqaynta amaanka shacabka xataa Agaasimayaal iskagama yimaadaan.

Talyihii Booliska ee xilka la wareegay dhawaan waxuu la’yahay Ciidan,Gaadiid iyo dhaqaale uu ku hawlgalo.

Xarunta Taliska Booliska Puntland waxuu ugu yimid 50-Maleesiyo beeleed magac Boolis iska sheegta iyo hal Baabuur oo qanaxa.

Talyihii hore ee Booliska Gaadiidkii iyo Ciidankii uu ku hawlgali jiray isagaa lahaa waana diiday in uu wareejiyo oo hoygiisuu,ayuu ku xaraystay.

Wasaarada Maaliyda Puntland waxay ka shiraysaa sidii Canshuurta ay ukordhin lahayd shacabkana si khasab ah looga qaadi lahaa.

Jibril Qoobey.