Video:-Deni ma noqon doonaa hogaamiyihii soo afjaray 4.5 ?

????????????????????????????????????

Puntland laba kal doorasho oo hore ayay Danta Qaranka Somaliyed,iyadoo ilaalinaysa ka tanaasushay diidmadeedii 4.5.

Labadaas jeer Puntland waxaa lagu qanciyay oo balanqaad loogu sameeyay in aysan dib usoo laabanayn 4.5.

Dowladii Madaxweyne Gaas waxaa Puntland balanqaaad cad iyo saxiixyo markhaatiya siiyay diblomaasiyiintii beesha caalamka oo ay ugu miisaanka cuslaayeen..

Wakiilkii Qaramada midoobey,Wakiilkii EU,Wakiilkii AU iyo Wasiirkii arimaha dibada Itoobiya ee xiligaas.

Balse markii doorashadii dhamaatay dib layskuma waydiin heshiisyadaas iyo sidii looga gudbi lahaa nidaamka 4.5.

Puntland dhankeeda waxay eed gaar ah ku leedahay dabagal la’aanta heshiisyada looga gudbi lahaa nidaamkaas oo waxay doodeedu bilaabataa xiliyada doorashooyinku soo dhow yihiin.

Haatan halkii ay taagnayd 4-sano ka hor dooda Puntland ayay kusoo noqotay,iyadoon horay waxii looga balamay waxba ka fulin.

Dad badan waxay is waydiinayaan Deni ma noqon doonaa hogaamiyihii soo afjaray nidaamkan laga qayliyay ee 4.5?

Halkan ka daawo muuqaalka