Taariikhda Duuliye Fu’aad oo kooban

Fu’aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey.


Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood.


Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti, oo uu dhammeeyay sannadkii 2003-dii.

Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa.
2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig.


2014 waxaa loo diray koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa2019 ayaa laba xidigle laga dhigay.


Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostayMagangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya.


15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jabuti.


Xaaskiisa oo xogtaas oo dhan u xaqiijisay BBC News Somali,ayaa sheegtay in ay “aaminsanahay in sirdoonka itoobiya ay ku wareejiyeen” dowladda Jabuuti.


“Ubadkiisa ayuu u waaya wax uu siiya. Cadaadis ayaa la saaray, markuu hadlayna mushaarkii ayaa laga jaray. Muddo afar bilood ah ayaan mushaar lama siinin,” ayay hadalka sii raacisay.


“Wuxuu ahaa nin shaqo jecel. 4:00 ta subaxnimo ayuu kici jiray, wuxuuna ka sheegtay caddaalad darro ka jirta ciidammada dhexdooda”, ayay BBC Somali u sheegtay xaaskiisa.


Waxay tilmaamtay in xabsiga Gabood masuuliyiin ka tirsan ay bishii May soo waceen: “Waxay naga dalbadeen inaan cuntada u keenaa”.


Qoyskiisa waxay sheegayaan in weli aan maxkamad la horgeyn, sidoo kalena aan loo ogolaan in ay la kulmaan.


Dadka la xiray xalay ee mudaaharadaaysha ka midka ahaa waxaa ku jirtay gabar 16 sano jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo seddax gabdhood oo uu abti u yahay.