Maxaa loo badalay halka ay ka dhici lahayd Xaflada furitaanka Baarlamaanka?

Fariimo kala duwan oo loo kala diray Xildhibaanada.

Fariimaha,ayaa kala muujinaya isbadal lagu sameeyay halka xaflada furitaanka Baarlamaanku ka dhacayso.

Gudoonka,ayaa ku sheegsy cilad farsamo in ay tahay sababta loo badalay halka ay ka dhacayso Xaflada.

Balse ilo kale waxay xaqiijinayaan in baqdin soo wajahday Madaxweynaha oo ka qaybgalaya furitaanka darteed loo wareejiyay.

“M.ne Xil Beri oo Sabti ah Tar 6 June waxaa lagaa codsanayaa in aad ka soo qaybgashid Xafalda Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka F. S oo lagu qabanayo Dugsiga Tababarka Booliska ee Gen. Kaahiye.

Saacadu waa 09:00 subaxnimo”

Baqdinta kadib Xildhibaanada waxaa looga kala diray Fariintan danbe oo aad hoos ka daalacan karto.

“M.ne Xil Beri oo Sabti ah Tar 6 June waxaa lagula socodsiinayaa in Xafladii Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka F. S ee lagu qabanlahaa DugsigaTababarka Booliska ee Gen. Kaahiye ,loo soo rarey Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa sabab Farsamo Awgeed.

Saacadu waa 09:00 subaxnimo”

Jibril Qoobey.