Video:-Farmaajo oo ku hor ceeboobay Baarlamaanka Maanta

Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalku maanta waxay muujiyeen Wadaniyad.


Khudbadii beenta iyo khiyaaliga ay ka buuxday ee Farmaajo si dadnimo leh ayey uga hor yimaadeen intoodii badnayd markii laga saaro koox yar.


Farmaajo maanta waxuu indhihiisa ku arkay waaqiciga rasmiga ah iyo sida Bulshadu uga fogaatay.


Beentii Fahad Yaasiin ee ahayd arladii waan islaaxiyay ee orod Baarlamaanka tag way fashilantay saakay.


65-Arday baan siinaa Waxbarasho lacag la’aan ah,ayuu yiri ogow Somaliya waxaa lagu qiyaasaa 12-Milyan.


24-Iskuul baan lasoo wareegnay,ayuu yiri ogow Puntland kaliyaa gacanta ku haysa in ka badan 34-Iskuul oo W.Waxbarashadu toos u maamusho.


Doorasho qof iyo cod ah baan idin diyaarinay ee udareera,ayuu yiri Ogow Muqdisho oo qura inteeda badan ma maamulo mana diiwaan gashana Dadka ku nool dalka intiisa kalena haba sheegin.


Khudbadii ugu ceebaysnayd uguna liidatay ee uu jeediyo Madaxweyne ayay noqotay mida maanta uu jeediyay Farmaaja-ha ku ceeboobay hogaamintii 4-ta sano.

Halkan ka daawo muuqaalka