Aqalka-sare oo ku baaqay shir dhex mara D.Goboleedyada iyo D.Fadaraalka

Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta waxa uu madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya.

Shirkaasi ayuu Aqalka Sare dalbaday inuu dhaco ka hor 25-ka bishan June, waxaana uu magacaabay guddi kasoo shaqeeya qabashada shirkan, oo uu guddoomiye u yahay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.