Video:-Hawlgalkii amni ee Mudug oo guulo gaaray

Dowlada Puntland Gobolka Mudug dhanka amaanka si weyn ayay uga hawlgashay.

Qorshe balaaran oo gaarsiisan in lala hawlgalo maamulka Galmudug ee ka arimiya Xaafada Baraxley,ayaa hirgalay .

Baraxley ama Wadajir waa mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo si guud maamulka Galmudug.

Xaafada Baraxley waxay hoy unoqotay oo si weyn usaldhigtay argagixisada iyo Danbiilayaasha kale.

Meel laga soo abaabulo qaraxyada,dilalka iyo dhaca laga fuliyo 4-ta Xaafadood ee ay Puntland ka taliso ayay noqotay.

Xaafada Baraxley waxaan awood buuran ku lahayn maamulka Galmudug dhan walba taasina waxay suurta galisay in argagixisadu degto kuna dhex milanto shacabka caadiga ah,ganacsatada,Culumada,Isimada iyo Ciidanka.

Puntland oo culays amaan dhankaas ka haystay,ayaa xiriir la samaysay maamulkii cusbaa ee Galmudug,iyadoo laysla qaatay wada shaqayn buuxda oo waliba Puntland ay maalgalinta yeelato.

Fiqi iyo Ciidan uu wato,ayaa soo gaaray Baraxley waxayna si buuxda uga hawlgaleen Xaafada,iyadoo ay caawiyeen Ciidamada Puntland.

Taasi waxay keentay in xubno muhiim ah oo argagixisada ah la dilo qaarna la qabto.

Sidoo kale danbiilayaal kale,ayaa gacanta lagu dhigay,iyadoo loo dhacay godad badan oo Xaafada Baraxley ku yaalay oo amniga Gaalkacyo khatar ku ahaa.

Isku soo wada duuboo Gaalkacyo waxay umuuqataa in ay u dhaqaaqday dhanka wanaaga,isku duubnida,is dhexgalka iyo xoojinta amaanka.

Dowlada Puntland oo qorshahaan iyadu lahayd,isla markaana maalgalisay bogaadin bay mudan tahay.

Reer Gaalkacyo waxaa laga rabaa in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka ee dadaalaya.

Wasiir Dinix si gaar ah ayay taariikhdu uxusi doontaa.

Halkan ka daawo muuqaalka