Deni oo hoos udhigay gogosha wadatashi ee Dowlada Fadaraalku ku dhawaaqday

“Puntland gogoshii ay dhigtay wali waa fidsan tahay waxa diidan in lawada tashto waa madaxda Fadaraalka,mase aqbali doono mudo kordhin iyo doorasho aan dastuurka waafaqsanayn”Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynuhu waxuu hoos udhigay oo uusan waxba kasoo qaadin baaqa shirka wadatashiga ee Dowlada Fadaraalka ah.

Madaweyne Deni markale waxuu xasuusiyay Somalida iyo caalamka Go’aanka Puntland ee arimaha doorashooyinkaiyo shir wadatashi oo layskugu yimaado.

Waxaa muuqata in Madaxweynuhu siyaasad ka fiirsi badan lagu sameeyay uu ku maareeyay ka jawaabida arintan masiiriga ah.

Shacabka Puntland intiisa badan si weyn ayay usoo dhaweeyeen hadalka Madaxweynaha.