Muxuu uga war-wareegayaa Deni tagida Gaalkacyo?

Gaalkacyo waxay heegan ugu jirtaa imaanshaha Madaxweyne Deni.

Bulshadu dhanka amaanka si weyn ayay uga mahad sheeganayaan oo labadii bilood ee udanbeeyay majirin fariimo iyo hanjabaadyo ka imaanayay argagixisada.

Sidoo kale lacagtii baada ahayd ee gaarsiisnayd calaa shaqsi bishii in uu bixiyo 25-dolar way istaagtay.

Baraxley oo ahayd godadka argagixisada iyo tuugada waa loo dhacay dad iyo xogo,ayaana gacanta lagu soo dhigay.

Amaantaas waxay shacabku uhayaan Ciidamada Booliska ee Talye Muumin hogaaminayo oo ay garabgaleen PSF iyo Danab.

Haatan baahida taagan waa dhanka maamulka oo Gobolku weli Gudoomiye maleh.

Duqa Magaaladu waa Nin dhalinyaro ah oo si muuqata ay uga tan weynaatay hogaaminta Magaalo ka mid ah kuwa Somaliya ugu xasaasisan.

4-Hotel,ayaa ukiraysan oo uu midba habeen seexdaa.

Baabuur aysan Xabadu karin iyo mid kale oo Ciidan usaaran yahay,ayuu ku dhexmaraa Magaalada.

Shalay oo ugu danbaysay waxaa furmi waayay Fadhigii golaha Deegaanka feer iyo laad,ayaana ka dhacay.

Madaxweyne Deni waxuu balan qaaday in furitaanka Baarlamaanka kadib isaga iyo Dowladiisu udhaqaaqi doonaan Mudug.

Deni waxuu sheegay in uu Gudoomiyaha Gobolka ku magacaabi doono gudaha Gaalkacyo,isla markaana Dowlada hoose dhaliisha kasoo yeeraysa waxka qaban doono.

Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa in uu fuliyo balanqaadkiisa hadii aysan isaga usuuroobi karin xiligan in uu diro M-xigeenka iyo Golaha Wasiirada maanta ama beri.

Mudug waxay ka sugaysaa Deni waxkaqabashada maamulka,dhiirigalinta shacabka iyo Ciidanka hawlgalka ku jira.

Jibril Qoobey.