Sirdoonka Imaaraadka oo gacanta ku dhigay Xubno Daacish ka tirsan

Mukhtar Yuusuf Maxamed iyo Wiil uu Abti yahay oo lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan,ayaa lagu xiray Imaaraadka.

Xarigoodu waxuu ka danbeeyay markii Sirdoonka Imaaraadku yaqiinsadeen in ay qayb ka yihiin Ururka Daacish.

Labada Nin ee la qabtay,ayaa midna uu la dhashay midna Abti ay u yihiin Ganacsade Liibaan Dheere iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Abwaan.

Sida xogaha ugu danbeeyay ee soo gaaraya Shabakada Idil News ay sheegayaan waxaa isna xiran Maxamed Nuuroow oo ah xubin muhiim ah oo hawlgalkan qayb ka ahayd una qaabilsanaa Daacish soo iibinta Gawaarida iyo Raashinka.

Sidoo kale Laba Doonyood oo ay leeyihiin Ilmo Yuusuf Qoyska Gudoomiyaha Gobolka Bari,ayaa xaniban.

14-May 2020,ayaan daabacnay xogta nimankan maanta la qabtay ee ah in ay ku xiran yihiin Daacish.

Maxamed Cabdiraxmaan waxuu ahaa lacag ururiyaha kooxda,halka Mukhtaar Yuusuf Maxamed uu yahay Ninka leh Guryaha Bosaso ee Daacish isticmaasho.

Waxaa markhaatiyaal ka ahaa heshiiska Xasan Deni lacagta ku qaatay oo Abwaan looga dhigay Gudoomiyaha …

1 Xildhibaan Axmed Daad

2.Beeldaaje Maxamed Beeldaaje ismaaciil

Ujeedka Abwaan ay ula raadinayeen Gudoomiyaha waa in ay la socdaan xogta Gudiga amaanka ee Gobolka Bari.

Ganacsade Liibaan Dheere,ayay Ciidamadu horay uqabteen.waxaana laggu sii daayay damiin Beeldaaje Maxamed uu damiintay.

Hawlgalkan waa silsilad dheer oo galaafan doonta Ganacsadayaal fara badan oo Gobolka Bari kasoo jeeda.

Laamaha amaanka Puntland shaqo adag ayay hayaan.

Jibril Qoobey.