Muxuu ka yiri C.C.Warsame soo jeedintii Xaliimo Yarey?

Hadda ka hor,ayaa hoggaamiye reer Falastiin ah waxaa la waydiiyey khudbadii George Bush ee uu Falastiin iyo Israa’iil uga hadlay ma dhagaystay.

Wuxuu ku jawaabay maya..

Sababtoo ah, iyadoo afka Yuhuuda ku baxaysa,ayaan Netanyahu toddobaad ka hor ka dhagaystay.

Inaguna waxaan leenahay in khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn.

Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan.

C C Warsame.