Khayre oo lagu soo bahdilay Qadar

Tagida Qadar ee RW Khayre waxay ku suuragashay xaalad caafimaad oo uu sheegtay,sida ay xaqiijinayaan ilo muhiim ah.

Kadib markii dhawr isku day oo ay ku codsadeen Madaxda Fadaraalku booqasho ay ku tagaan Dooxa ay Dowlada Qadar ka cudurdaaratay.

Looguma soo dhaweyn si maqaam leh oo xataa Safaarada Somalida,ayaa loo diiday in ay garooonka ugu tagto markuu ka degay Dooxa caasimada Qadar RW Khayre.

Kadib Hotel,ayaa la dajiyay waxaana loo fidiyay baaris caafimaad oo qaadatay 4-cisho.

Lama kulmin RW Qadar iyo Amiirka midna,sidoo kalena lama xaqiijin karo in uu jiray kulan dhexmaray isaga iyo Wasiirka arimaha dibada.

Sawiradii lasoo dhigay barta Twitter-ka Khayre waxaa aad loo hadal hayaa in ay ahaayeen kuwo hore oo dib loo isticmaalay.

Dad badan oo la socda siyaasada Somaliya waxay sheegayaan in Villa Somaliya laga raacay laba dhacdo oo ka kala dhacay Sacuudiga iyo Eretereya.

B.Khayre oo la kulmay Madax Sacuudiyiin ah dhaqaalena kasoo qaaday.

T.Farmaajo iyo Fahad oo Imaaratiyiin la kulmay wada hadal shaki xoog leh abuurayna kula galay Eretereya.

Sida xogo muhiim ah xaqiijinayaan Khayre waxaa Hotelkii la dajiyay ugu yimid Saraakiil Sirdoon oo qura mana jirin cid kale oo uu la kulmay inta uu joogay Qadar.

Sawirkan waa mid hore oo muujinaya sidii horay loogu xiiso qabay.

Jibril Qoobey.