Video:-Shirka Dhuusamareeb muhiimad intee le’eg buu leeyahay?

Madaxweyne Deni waa Ninka leh fikrada Shirka Dhuusamareeb.

Deni waxuu ku guulaystay in uu ku qanciyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo ay saamayn xoog badan ku lahayd Villa Somaliya kasoo qaybgalka Shirka.

Shirka Dhuusamareeb xataa hadaysan kasoo bixin wax ay ku midaysan yihiin Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka waxaa guul ah in ay kulmaan oo lasoo cesho madashii lana muujiyo doorkooda.

Mida tixgalinta gaarka ah leh waxay tahay in Farmaajo sadex jeer isku dayay kulansiinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah,balse ku guuldaraystay.

Shacabka reer Puntland si gaar ah waa in aad ula jaanqaadaan siyaasada xiligan la ciyaarayo-

Halkan ka daawo muuqaalka