Dad loo qabqabtay dilkii Fanaankii Oromada

Xeer ilaalinta dalka Itoobiya ayaa shaacisay saddex qof oo ka dambeyay dilkii fanaanka oo Hobol caan ahaa

  1. Qofka koowaad ee dilka loo haysto waa Tilahun Yami oo ahaa ninkii xabada fananka ku dhuftay, gacanta laamaha Ammaanka ayuuna kujiraa.
  2. Alamayo oo qorshaha qayb ka ahaa ayaa la qabtay. Wuxuuna kujiraa gacanta laamaha ammaanka.

Wasiirka Xeer-ilaalinta dalka ayaa sheegtay in lagu raad joogo Kabade Gamachu oo ah qofkii saddexaad, kuna dhuumanaya rabshadaha gudahooda.

Dhanka kale xeer-ilaalinta ayaa sheegtay in ay dilaaga qorshe dhameystiran soo siiyeen xoogaga Hubeysan ee u sheegta u dhaqdhaqaaqida Xaquuqda Oromadda iyo 2 kooxod oo u adeegayay baa layiri cadowyo Shisheeye.

Isha Warka TV-ga Dawlada Ethiopia.