Qarax ka dhacay goor dhawayd Muqdisho

Qarax miino ayaa ka dhacay Goordhow Agagaarka iskuulka Almasal Ex-iskuulka Fiita una Oktoober ku dhow xerada Ciidanka Cirka iyo iridda loo aado Air porta diyaaradaha ee Xamar degmada waabari ee magaalada muqdisho

Saraakiil katirsan hay.adaha amaanka iyo Mas.uuliyiinka tirsan Maamulka degmada waaberi ayaa inoo xaqiijiyay in qarax ahaa Miinada Wadda dhinaceeda la dhigo Ilaa iyo imanka la soo sheegin qasaaraha ka dhashay Qaraxaasi

Iskuulka uu qaraxa ka Ag dhacay Waxaa maalinta Barito ah qorshuhu yahay in lagu gallo Imtixaanaadka Shahaadiga Ee Dugsiyada dhexe oo markii ugu horeysay ay Qaadayso Wasaarada Waxbarashada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya

Ciidamada booliska ayaa ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaasi oo ilaalo ka hayay iskuul barito lagu gali lahaa Imtixaanaadka .

Wixii warar ah ee kasoo kordha qaraxaasi halkan ayaan idin kula soo socodsiondoonaa