Dhuusamareeb:-Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay qado sharaf

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Qado Sharaf Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye sameeyay Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Munaasabadda qado sharafta ah oo ka dhacday Beerta Dalxiiska ee Guutaale, ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaano Ka mid ah Labada Aqal ee Soomaaliya iyo wufuuda la socotay Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.