Safiirka Mareykanka oo fariin adag u diray Madaxweyne Farmaajo.

Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamota, ayaa fariin adag oo kama danbeys ah u direy Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, xilli uu qorsheynayay inuu ka baaqsado Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ee Dhuusamareeb.

Danjire Yamamoto u sheegay Madaxweyne Farmaajo inay ka doonayaan inuu tago Shirka Dhuusamareeb, si loo helo Go,aan lagu mideysan yahay oo ku wajahan Doorashooyinka Dalka.

“Madaxweyne in aad Dhuusamareeb Shirka ka dhacaya aad hormuud ka noqoto,ayaan kaa filaynaa si dalku u aado doorasho lagu mideysan yahay”, ayaa ku yiri fariin uu u diray Danjire Yamamoto.

Fariinta Danjiraha Mareykanka kaddib Madaxweyne Farmaajo ayaa u soo xeyd-xeydtay Safarka Dhuusamareeb, iyadoona uu fashilmay qorshihiisa uu ku doonayay inuu kaga baaqsado Shirka oo ah mid loo badinayo inuu guuldarro kala tago.