Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Kooxda Daacish.

Ciidanka Booliska ee Dowladda Puntland oo howlgallo ka sameeyay Degmooyin katirsan Gobalka Bari, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigay maleeshiyaad kamid ah Ururka Argagixisada ah ee Daacish.

Sidoo kale, Booliska Puntland ayaa sheegay inay qabteen gaadiid ay wateen maleeshiyaadka Daacish, ayna haatan gacanta ugu jiraan laamaha ammaanka ee Gobalka Bari.

“Ciidamada Booliska Gobalka Bari Oo Howgalo Ka Sameenayay 24Saac Ee Ugu Danbeyey Dagmooyin Ka Tirsan Gobalka Bari Oo Ay Ku Soo Qabteen Dagalyahano Ka Tirsan Kooxda Daacish Iyo Gadiidkii Ay Wateeen Kuwaas Oo Hada Gacanta Ugu Jira Laamaha Amaanka Gobalka Bari” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari.

Ciidanka Amniga Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka waday Degaanka howlgallo ka dhan ah Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, iyagoona gacanta ku dhigay xubno kamid ah Ururadaas, kuwa kalena toogtay.