Urur KAAH oo 300 Fuusto oo Daamur ah ugu deeqay Ceel-daahir – Ceergaabo.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Luga-toor (Gabiley), oo kamid ah Golaha sare ee Urur Siyaasadeedka KAAH ayaa ku dhawaaqay in Ururka KAAH uu 300 oo Fuusto oo daamur ah uu ugu deeqay Wadada Ceeldaahir – Ceergaabo.

Sidoo kale, Wasiir Lugatoor ayaa xusay in lacagta fuustooyinkan Daamurka ah aysan waxba ka galin Dowladda, oo uu si gaar ah u bixinayo Urur Siyaasadeedka KAAH.

“Ururka Kaah wuxu 300 oo fuusto ugu Deeqay Wadada Ceer-daahir Ceerigaabo, Fuustooyinkaas Dowladu waxba kuma lahan waxa si gaara u bixinaya Ururka Kaah” ayuu yiri Wasiir Lugatoor.

Urur Siyaasadeedka KAAH, oo ah Ururka Xukuumadda Puntland ayaa shalay Guddoomiyiisa loo doortay Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.