Shirka Madaxda Soomaalida oo maanta ka furmaya Dhuusa-mareeb

Shirka wada-tashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa maanta ka furmaya magaalada Dhuusa-mareeb, iyadoonka looga hadli doono Doorashooyinka Qaranka ee 2020 – 2021.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisulwasaaraha XFS, Madaxweynaha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Kulamo horu-dhac u ah Shirka ayaa 72 saac ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb, kuwaas oo loogu gogal xaarayay Shirka.

Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News.