VIDEO: Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Dhuusa-mareeb

Shirar goos-goosa oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ayaa maraya meel adag iyadoona la isku mari la’ yahay qodobka ugu muhiimsan ee la xariira arrimaha doorashooyinka 2020 – 2021, sida nooca doorasho iyo xilliga ay dhacayso.

Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dalbanaya doorasho qof iyo cod ah, halka Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo ay ugu horeeyaan Puntland iyo Jubbaland ay ku adkeysanayaan doorasho dadban, maadama ay cadeeyeen dhowaan guddiga doorashooyinku in aysan qaban karin doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo oo u muuqda inuu ku fashilmay damaciisa ayaa uu xusay inuu ka tanaasulayo doorasho qof iyo cod ah, isagoona dalbanaya muddo kordhin lamid ah Dowladihii Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed, taas oo ay ka biyo diideen Puntland iyo Jubbaland.