Baarlamaanka Puntland oo u qareemaya Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka u xiran (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulankoodii 23-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha, ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe ayaa uga wada-hadlay u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa dood sharci ah ka yeeshay u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, dood dheer ka dib, Guddoonka Golaha Wakiillada & Xildhibaanada ayaa isku raacay in loo yeero Xeer-ilaaliyaha Guud, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Hoggaanka Taliska Ciidanka Asluubta Puntland si su’aalo looga weydiiyo Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, maalinta sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay Luuliyo 25, 2020.