GEDO: MD Farmaajo oo Qaban-qaabinaya Shir ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa wada abaabulka shir ka dhan Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaas oo la doonayo in lagu qabto Magaalada Garbahaarey ee Caasimadda Gobalka Gedo.

Shirkan oo ay isugu imaanayaan qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Jifiyo kamid ah Beesha Mareexaan, gaar ahaan Reer Diini oo uu kasoo jeedo Madaxweyne Farmaajo, ayuu qorshihiisu yahay in culeys lagu saaro Madaxweynaha Jubbaland, kaddib markii ay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku guuldareysatay inay dhinacyada Siyaasadda iyo Ciidammada la geyay Gobalka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Shirkan oo loogu magacdaray Aayo katashiga Jubbaland, uu Madaxweyne Farmaajo ku bixinayo Dhaqaale fara-badan, iyadoona laga qeyb galinayo odayaal kasoo jeeda beelo dega Jubbaland oo laga soo kireynayo Muqdisho.

Abaabulka Shirkan oo la hadal hayay bilo mahor ayaa dib u soo shaac baxay, iyadoo Magaalada Dhuusamareeb uu ka socdo Shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, oo looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka Dalka ee 2020 – 2021, kaas oo guuldarro adag uu ku wajahayo Madaxweyne Farmaajo.