CC Warsame “Waan soo dhaweynayaa in la garawsaday in sharcigii Baarlamaanka u haatan shaqeyn karin”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo dhaweeyay War-murtiyeedka kasoo baxay Shirkii Wada-tashiga Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ee kusoo dhamaaday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka CC Warsame.

Waxaan soo dhoweynayaa war-murtiyeedka ka soobaxay wejiga 2 aad ee shirka Dhuusmarreeb. Waxaa ina dhiirragelinaya in lagu heshiiyey in doorashadu xilligeeda dhaafin, muddo kororsina jirin, lana garawsaday in qof iyo cod iyo sharcigii Baarlamaanka u haatan shaqeyn karin.

Waxaa kaloo hoos ka xarriiqid mudan in lagu heshiiyey in la dhiso guddi farsamo oo ka kooban Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyadu oo kasoo tala bixiya hannaan doorasho oo lagu wada qanacsanyahay, Soomaaliduna heshiis ku tahay. Waxaan ka rajeynaynaa guddiga soo diyaarinaya hannaanka (models) in uu la tashiga ballaariyo, lana tashado xisbiyada iyo bulshada inteeda kale.

Waxaan bogaadinayaa masuuliyiinta shirka oo idil, gaar ahaan madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Qoorqoor oo u dhabar adaygay ka mira dhalinta shirka. Waxey ballanta 15 Agoosto ee Dhuusamarreeb 3 inna soo xusuusinaysaa Garowe 1, 2 iyo Kaalgacyo 3 oo si habsami leh loogu soo maarayey xilligii kala guurka iyo ka bixitaankii ku meel gaarka ee 2012k-kii. Shacabka Galmudug way ku mahadsanyihiin marti gelinta maamuuska iyo maqaamka sare leh.