DEG-DEG: Baarlamaanka oo kalsoonidii kala laabtay Xukuumadda RW Kheyre

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan deg deg ah ku yeeshay xarunta KMG ah ee Muqdish ayaa ku dhawaaqay inay codkii kalsoonida ah kala laabteen Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Intaas kaddib, Buuq iyo fowdo ayaa hareeyey fadhiga barlamaanka xildhibaano xukuumada ka tirsan ayaa nasiib daro iyo fowdo ku tilmamaay waxa madasha ka socda.