Mareykanka: Taloobo adag ayaan ka qaadaynaa kuwa burburinaya Xasiloonida Soomaaliya (War-saxaafadeed)

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa War saxaafadeed goordhow soo saartay waxay walaac kaga muujisay tallaabadii Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha ay kalsoonida kala laabteen Ra’iisul Wasaare Kheyre, taasoo sii kordhisay xiisada siyaasadeed isla markaana wiiqeysa hanaankii wadahadalka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka.

“Waxaan ka qaadi doonaa tallaabooyin ka dhan ah qaswadayaasha doonaya inay wiiqaan horumarka Soomaaliya ee xasiloonida ah, dowlad loo dhan yahay iyo barwaaqo ma dooneyno in Soomaaliya ay qaado dhabbo qaldan”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.