Axmed Madoobe oo ku wajahan Nairobi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maalinada berri ah ku wajahan magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in marka uu sii amba-baxayo Kismaayo inuu saxaafada la hadlo oo uu cadeeyo mawqifka Jubaland ee cayrinta Khayre.

Axmed Madoobe ayaa magaalada Nairobi kula kulmi doona Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadli doono xaalada dalka iyo doorashooyinka dalka kusoo wajahan 2020 – 2021.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland uusan la hadli doonin Saxaafadda.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.