Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Deni iyo Beesha Leelkase ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo waxgaradka iyo odeyaasha Beesha Leelkase.

Waxgaradka iyo Odeyaashan Beesha Leelkase ayaa Madaxweyne la wadaagay labo cabasho oo kala ah Weerarkii Booliska Gobalka Mudug ku qaadeen guri lagu eebiyo Khamrida oo lagu dilay Rag kasoo jeeda Beesha iyo dheeli-tirka Saami qeybsiga ay Dowladda ku lee dahay Beesha, oo jifi kamid ah Beesha ay isku heysato Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka.

Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa u balanqaaday Beesha Leelkase in uusan guddi u saari doonin dhacdadii Gaalkacyo ayna Dowladda bixin doonto Dadkii ku dhintay howlgalkaas, sidoo kalena ay sixi doonto saami-qeybsiga jifiyaha Beeshu ku dhex lee dahay Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa booqan doono Degaanada Ciidka ah ee Gobalka Mudug, kaddib xuska 1-da August.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay Odeyaasha iyo Waxgaradkan Qorshaha Dowladda ee Gobolka, sida dhinacyada Amniga, nabadeynta iyo horumarka. Wuxuuna kula dardaarmay in ay doorkooda qaataan oo ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka Gobolka.