DFS oo soo magacowday xubnaha ku matali doona Guddiga farsamada Doorashooyinka

Xafiisyada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha XFS & Maamulka Gobalka Banaadir, ayaa soo magacaabay xubnaha ku matalaya Guddiga Guddi farsamo oo ka kala socda DFS iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, kaas oo kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kale, Dowladaha Puntland, Jubbaland, Hirshabelle & Koonfur Galbeed ayaa soo magacowday xubnaha guddigan ku matalaya, halka caawa uu magacaabi doono 2 xubnood ee matalaya Madaxweynaha Galmudug.

Guddigan ayaa lagu wadaa inuu shaqadiisa bilaabo 1-August-2020, oo ku beegan maalinimada sabtida ah, iyagoona ku shiri doona magaalada Dhuusa-mareeb, halkaas oo 15-August uu ka furmi doono Shirka Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo go,aan ka gaari doona arrimaha Doorashooyinka.