Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay Guddiga farsamada Doorashooyinka (VIDEO)

Xukuumadda Oo Ansixisay Xubnaha Guddiga Farsamada Ee Loo Magacaabay Ka Talo Jeedinta Habsami u socodka Doorashooyinka

Qodobka 5aad ee warmurtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=731065281026644&id=826003914191316

Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya.

Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku ballansan shir kale oo ka dhaca Dhuusamareeb kaas oo lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka.