Xasan Sheekh oo baaq u diray Madaxweyne Farmaajo (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay kulankii ay la yeesheen Guddoonka Golaha Shacabka BJFS sheegay in uusan jirin wax ajende siyaasadeed ah oo Guddoonka Golaha shacabku u waday Madasha Xisbiyada Qaran sidoo kale aysan jirin wax ajende ah oo Madashu ay u dhiibtay Guddoonka Golaha shacabka.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in uusan is-badalin mowqifka Madasha ee ku saabsan doorashooyinka, isagoona baaq u diray Madaxweyne Farmaajo.

“waxaan rabnaa in dalkaan ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda heshiisna lagu yahay waxaana aaminsanhay in la gaari karo haddii talooyinka aan soo jeedineyno la raaco” ayuu hadalkiisa ku daray.