TPEC oo ku dhawaaqay Urur Siyasadeedyada rasmiga ah ee Puntland (VIDEO)

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inay soo gaba-gabeeyeen Hannaankii diiwan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland ee soo bilaamatay 15-kii December 2019.

Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in shuruudihii laga rabay Ururada ay soo buuxiyeen 10 Urur Siyaasadeed, kuwaas oo ay kamid yihiin (Urur Siyaasadeedka Kaah, Xisbiga Mideeye, Urur Siyaasadeedka Horseed & Mustaqbal Party).

Guddigu ayaa hambalyo u diray Ururada Siyaasadda ee buuxiyay shuruudihii ururnimo, kuwaas dhowaan la guddoonsiin doono shahaadadii rasmiga ahayd ee ururnimo, si ay uga qeyb-galaan doorashooyinka Golaha Degaanka Degmooyinka Puntland.