C/kariim X. Guuleed oo hambalyo u diray Shacabka Puntland

Hoggaamiyaha Xisbiga Sahan, ahna Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ugu hambalyeeyay Shacabka iyo Dowladda Puntland, 22 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladnimada Puntland.

Hoos ka Akhriso Hambalyada Siyaasi Guuleed uu bartiisa Facebook kusoo daabacay.

Maanta waxaa 22 sanno laga joogaa markii ay shacabka iyo masuuliyiinta reer Puntland go’aansadeen iney yagleelaan hannaan maamul oo hagga bulshada, kana shaqeeya nabadda, tacliinta, Dowladnimada iyo hormarinta guud. Waxaa uu ahaa go’aan wanaagsan oo Alle ku toosiyay, kaas oo sababay iney sal u noqdaan isu raadintii Soomaali weyn.

Waxaan hambalyo u diraya dhammaan bulshada iyo madaxda reer Puntland, waxaana ku boggaadinaya iney sii xoojiyaan nabbada, hufnaanta maamulka iyo ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

22 sano oo adeeg bulsho, nabad iyo is doorasho ah, ma’ahan shaqo fudud, waana arrin mudan in lagu ammaano loogana dayado reer Puntland.

Sidoo kale waxay reer Puntland ku amaanan yihiin dadaalka ay u galeen geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya iyo dhidiba u aasidda hanaanka Faderaalka dalka.