Walaac laga muujinayo guddiyo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee la riday (Akhriso)

Dhamaan ururada Bulshada Rayidka ee dalka oo ay ku jiraan kuwa maamul gobaleedyada ayaa soo saaray qeyla dhaan xoog leh iyo walaaca ay ka qabaan sharciyada deg dega ah oo ay meel marinayaan wasiirada kumeel gaarka ah waxaana la aaminsanyahay in ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Reysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khehrre, ayaa hore u diidanaa in la dhiso Golaha adeeg Garsoor iyo Hay’adda Badroolka Soomaaliyeed iyadoo aan loo mareyn habraac sharci ah iyo wadatashi.

Xukuumaddii Kheyrre ayaa aaminsaneed in arintaan ay sababi karto dhibaatooyin aan laga kaban waxaana muuqataa in wadadii laga digay ay qaaday Villa Somalia.