Diyaarad ay lee yihiin Ciidanka Kenya oo ku burburtay Dhoobley

Wararka naga soo gaaray degmada Dhoobley ayaa sheegaya in diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Kenya ay ku burburtay Garoonka diyaaraddaha ee degmadaasi oo ay isticmaalaan Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in diyaarada oo Sahay u siday Ciidanka ay ku burburtay Garoonka markii ay soo cagadhiga rabtay.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay.

Ciidanka Kenya wali faahfaahin kama bixin dhacdadaan oo xalay dhacday.