Qaramada madoobey oo walaac ka muujisay sharciga Galmada ee B.Fadaraalka la horkeenay

Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa u muujiyey walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku dayga miiska lagu soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xiriira.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorrinayaa golaha wasiirrada ee dalka in ay dib-u-soo-celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah.