Baaq:-Abuurid Mashruuca Dib U Dhiska Dhallinta Punt Land & Jihayntooda

Ku: Madaxwaynaha Dowladda Punt Land

Og: Dowladda Punt Land

Og: Golaha Wakiilada Dowladda Punt Land

Ujeeddo: Abuurid Mashruuca Dib U Dhiska Dhallinta Punt Land & Jihayntooda.

Mudane Madaxwayne, Salaan Khaddarin & Xushmad ballaaran xambaarsan ka gadaale, waxaa sharaf ii ah inaan kula wadaago si xushmadi ku jirto aragtidan hoose ee caafimaadka qabta.

Si looga fogaado, loona bad-baadsho ( Aayaha & Mustaqbalka Dhallinyarada), Waxaa laga maar-maan ah in la qaado ama la tijaabsho talaabooyinkan hoose.

1) In Ardayga Reer Punt Land markuu dhammeeyo Dugsiga Sare loo diro Taba-bar Shaqo Qaran ah, oo Dalka gudihiisa ah.

2) Muddada Taba-barku waa inuu ahaado Lix( 6) Bilood.

3) Ardayga markuu dhammaysto Taba-barka In Lagu dhiiri galiyo inuu Jaamacaddiisa wato ama uu qaato Waaya aragnimo shaqo, iyadoo loo way inay ardaydaad inay ka howl galaan dhammaan hay’adaha dowladda si Sare loogu qaado Waaya Aragnimadooda, isla markaasina ay dhissantay maskaxdooda.

4) Markuu dhammaysto Taba-barkaasi, Ardaygu Jaamacadda wuu u gudbi karaa si uu u dhammaysto Wax barashadiisa.

5) Qorshahan wuxuu Wax wayn ka qaadan karaa dhismaha Dhallinyaro Madax bannaan oo Karti & Waddaniyad leh.

6) Wuxuu qorshahan Wax wayn ka tari karaa Dhaqan celinta Dhallinta, Tahriibka, Xagjirka & Burcad badeednimada.

7) Waana Fursad Wacyi Galineed oo lagu bad-baadin karo dhallinyaro badan.

Mahadsanid Mudane Madaxwayne.

Hon Mohamed Shiike.