Sawiro:-Talyihii ilaalada Madaxtooyada Puntland oo goordhawayd Aas-qaran loo sameeyay

Waxaa hadda la aasay Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi oo maanta ku geeriyooday hawlgal ay ciidamada saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacayo oo ay kusoo qabteen mukhaadaraad iyo shufti nabadiid ah oo ka ganacsanayey.

Aaska waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, La taliyeyaal Madaxweyne, Saraakiil Ciidan , Saraakiil Ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo , isimo iyo odeyaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwen ee Bulshada .