Xukuno adag oo lagu riday Masuuliyiin katirsan DFS (VIDEO)

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 24/8/ 2020 waxaa ay xukuno kala duwan ku riday 9 ruux oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya,kuwaas oo lagu eedeeyay falal la xiriira musuq maasuq.

Mas’uuliyiintaan ayaa lagu riday xukuno Xabsi ah halka qaarkood la siidaayay markii dambi lagu waayay,waxaana mas’uuliyiintaas ay kala yihiin.

1: Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali oo lagu eedeeyay xatooyo Xoolo dadweyne,waxaana lagu xukumay 9 sano oo xariga ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollariyo ka reebid Xafiis Dadweyne.

2: Agaasimaha Waaxda Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Buule Maxamuud oo lagu helay fal la xiriira xatooyo Xoolo Dadweyne, waxaana lagu xukumay 18 sano oo xariga ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar iyo ka reebid Xafiis Dadweyne

3: Madaxa Xisaabadka ee mashruuca wacyigelinta Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Mahdi Abshir Maxamed oo lagu helay xatooyo xoolo dadweyne, waxaana lagu xukumay 12 sano oo Xabsi ah ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar iyo ka reebid Xafiis Dadweyne.

4: Madaxa mashruuca mallaariyada ee Wasaaradda Caafimaadka Bashiir Cabdi Nuur waxaa lagu xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 1183 iyo ka reebid Xafiis Dadweyne

Dhinaca kale Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amartay in la siidaayo 5 kale oo kamid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kuwaas oo Maxkamaddu sheegtay in dambi lagu waayay.