Ciidammo la kala dhex-dhigay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay degaanka Garasle

Ciidanka Liyuu boolis ee dowlad degaanka Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa ku guuleystay in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkii ku dagaallamay degaanka Garasle.

Ciidanka ayaa sidoo kale isbitaal u qaaday dhaawacyadda dadkii dagaalkii shalay waxyeelado kasoo gaartay.

Xubno ka tirsan Maamulka dowlad Degaanka Soomaalida oo gaaray degaanka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in kulamo dib u heshiisiin ah ay bilaabi doono si loo soo afjaro dagaalka.

Xaalada degaanka degaanka Garasle oo ka tirsan dawlad deeganka Soomaalida Itoobiya ayaa hada degan, waxaana dagaalkii shalay ku dhintay hal ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.